Aqalka Sare ee Mareykanka oo ansixiyey deeqda militari ee Ukraine, Israel & Taiwan iyo Xayiraada TikTok

Published: April 24, 2024

Senate-ka Mareykanka wuxuu ansixiyey xirmo deeq militari oo gaareysa $ 95 bilyan Talaadadii, waxaana deeqdan horey usoo ansixiyey Aqalka Wakiilada Sabtidii lasoo dhaafay, iyada oo la filayo inuu dhawaan saxiixo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Senatarrada ayaa u codeeyay 79 taageeray, halka 18 Senator ay diideen.

Deeqdan ayaa $ 60.8 bilyan loo qoondeeyey wadanka Ukraine, halka $ 26.4 bilyan loogu talo galay Israel iyo $ 8 bilyan oo lasiin doono xulafada Taiwan si looga hortago Shiinaha.

Sharci kale oo la ansixiyey ayaa isaguna la xariira xayiraada shirkadda TikTok iyo cunaqabatayn lagu soo rogi doono Iran, China & Russia.

Xayiraada TikTok

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa sidoo kale Talaadadii ansixiyay sharci lagu xakameenayo Shirkadda TikTok, sharcigan oo qoraya in Shirkada TikTok laga wareejiyo shirkadda iskaleh ee ByteDance oo laga leeyahay Shiinaha ama laga xiro suuqa Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku doodaya in Shirkada TikTok xogta shacabka Mareykanka ee adeegsada ay la wadaagi karto Dowlada Shiinaha iyo Sirdoonkooda.

Balse arrinta ugu weyn ee TikTok lagu cadaadinayo ayaa in ay isticmaalaan inta badan dhalinyarada Mareykanka, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda siyaasada Arrimaha Dibada ee Mareykanka, sidoo kalena aad uga soo horjeeda xasuuqa Israel ka wado Gaza.

Kooxaha u ololeeya Israel ayaa dadaal dheer ugu jiray in la xiro shirkada Tiktok suuqeeda Mareykanka si aysan saameyn ugu yeelan siyaasadda dalkaasi.

TikTok ayaa sheegtay inay tahay “nasiib darro” in Xildhibaaanda Mareykanka ay taageeraan sharcigan ku tumanaya xuquuqda hadalka ee 170 milyan shacabka Mareykanka ee isticamaala TikTok, sidoo kalena burburinaya toddobo milyan oo ganacsi. Shirkada TikTok ayaa Dhaqaalaha Mareykanka ku biirisa $24 bilyan, sanad walba.

Horseed Media