Amniga kaniisadaha dalalka Yurub oo la xoojiyey (Maxaa soo kordhay)

Faransiiska, Jarmalka iyo Austria ayaa ka mid ah dhowr waddan oo Yurub ah oo kordhinaya hubinta ammaanka iyo ilaalinta kaniisadaha ka hor dabaaldegyada Christmas-ka oo bilaabanaya caawa oo taariikhdu soo galayso 25ka Disembar  iyada oo laga walaacsan yahay khatarta weeraro argagixisanimo oo suuragal ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin ayaa faray booliska inay kordhiyaan joogitaankooda Kaniisadaha dalka oo dhan si ay u ilaaliyaan Masiixiyiinta isugu imaanaya xafladaha Kirismaska ​​.

Jarmalka deriska la ah, mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xoojiyay dadaalkooda amniga.

“[Booliska] waxa ay sameyn doonaan wax kasta oo aan caawa awoodno si aan u sugno ammaanka dadka soo booqanaya kaniisadaha habeenka Christmas-ka,” ayuu yiri taliyaha booliiska Cologne Michael Esser.

Booliska ayaa habeenimadii sabtida ku baaray kaniisada eeyo wax uriya,kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxo islaamiyiinta ay qorsheynayaan weerar ay ku qaadaan kaniisada maalmaha ciida masiixiga ama sanadka cusub, sida uu hadalka u dhigay.

Booliisku waxay kula taliyeen dadka soo booqanaya kaniisadaha inaysan qaadan wax boorso ah si ay uga fogaadaan dib u dhac ku yimaada hubinta amniga.

– Advertisement –