Al Shabaab oo bilowday in ay qarxiso goobaha ganacsi ee fuliya ammarka dowladda

Kooxda Al Shabaab ayaa beegsi ku bilowday goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Muqdisho qaarkood , kaddib markii ganacsatada qaar u hoggaansameen ammar kasoo baxay dowladda oo ahaa in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV.

Qarax nuuca miinada ah ayaa xalay lagu qarxiyay dukaan lagu iibiyo qalabka baabuurta oo kuyaalla isgooska Black Sea ee degmada Hodan, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro soo gaaray goobtaasi ganacsi.

Sida aan xogta ku helnay goobtaan ganacsi ayaa la qarxiyay kaddib markii milkiilaha goobtaasi fuliyay ammar kasoo baxay ciidanka Nabad sugida oo ahaa in uu ku xiro goobtiisa ganacsi kaamiirooyinka sida qarsoodiga wax u duuba ee CCTV.

Goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa intooda badan xiran, kaddib markii ganacsatada goobahaasi leh lagu amray in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV, waxa ay sidoo kale ganacsatada farriimo hanjabada ah kala kulmayaan dhinaca Al Shabaab.

Al Shabaab ayaana ku hanjabtay in ay dhibaateen doonaan ganacsatadii fulisa ammarka dowladda ee xirta kaamirooyinka CCTV, waxa ayna ganacsatada Muqdisho noqdeen kuwa ku dhax dhibaatoonooya labo awoodood oo iska soo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –