Aas Qaran oo lagu Sagootiyay Cabdi Maxamed Jaamac Cabdi Yare oo ku Geeriyooday Hargeysa

Hargeysa(Dawan)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Siciid Xasan Habane iyo Guddoomiyaha Hay’adda Tayada agabka Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa shalay ka qaybgalay aas qaran oo lagu sagootiyay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi yare) oo ahaa agaasimihii hore ee  waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta oo lagu aasay xabaalaha Halleeya ee bariga Hargeysa.

Waxa aaska marxuum Cabdiyare goob joog ka ahaa agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Bahda fanaaniinta, cuqaal,salaadiin iyo boqolaal dadweyne ah.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Md. Siciid Xasan Habane ayaa sheegay in marxuum Cabdiyare looga marag kacay dadnimadiisii xariirta ahayd iyo inuu ahaa waddani dalkiisa ugu adeegay aqoontiisii tan iyo badhtamihii toddobaatanaadkii oo uu ku jiray bahda fanka.

Wasiir kuxigeenku wuxuu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii iyo bahda dhaqanka ee uu ka baxay, wuxuuna marxuum Cabdi Maxamed Jaamac Ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo.

Guddoomiyaha Hay’adda dhawrista  tayada Mukhtaar Maxamed Cali ayaa sheegay in marxuum Cabdi yare uu ahaa masuul soo saaray dad badan isla markaana si ixtiraam leh uĺa shaqeyn jiray masuuliyiinta ka sareysa.

Sidoo kale, waxa aaskaas ka hàdlay agaasimeyaal, fanaaniin iyo waxgarad kale oo ka warramay taariikhdii marxuumka iyo dadnimadiisii.

Wasiirka Warfaafinta ahna afhayeenka Xukuumadda Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa dhambaal tacsi ah u diray  shalay qoysaskii, bahda fanka iyo wasaaradda warfaafinta oo uu ka tacsiyadeeyay geerida Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi yare) oo ku geeriyooday Hargeysa,kadib markii uu muddo u jiifay xannuun.