107 Muhaajiriin ah oo u badan Soomaali oo xoog looga soo furtay xabsiyo kuyaala Libya

Talaado, April, 7, 2024 (AX) – Ugu yaraan 107 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa laga soo daayay magaalo ku taal koonfurta bari ee Liibiya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Liibiya.
Walid Alorafi, oo ah afhayeenka waaxda dambi barista ee (CID) ee Benghazi, ayaa sheegay in muhaajiriinta, lagu hayay ilaa todobo bilood ay doonayeen inay aadaan Yurub.
Muhaajiriinta ayaa ka kala yimid dalal kala duwan oo ka hooseeya saxaraha Afrika, balse inta badan waxay ka yimaadeen Soomaaliya sida uu sheegay Alorafi.
“Waxaan xalay weerar ku qaadnay goob ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla bartamaha magaalada Kufra, waxaanan helnay tahriibayaal sharci-darro ah oo ay ku jiraan haween, caruur iyo rag odayaal ah kuwaasoo qaarkood ay ka muuqdaan calaamado jirdil iyo rasaas,” ayuu yiri Alorafi.
Muhaajiriinta ayaa dhammaan lagu wareejiyay hay’adda socdaalka sharci-darrada ee IOM.
CID ayaa soo bandhigtay muuqaalo muujinaya ciidankooda oo burburinaya gurigii ay ku jireen tahriibayaasha. Muuqaalada kale ayaa waxaa ka mid ahaa rasaas lagu furay dad tahriibayaal ah oo jirkooda ay ka muuqato jirdil.
Qaar ka mid ah muhaajiriinta ayaa la arkayay iyagoo lagu sii qaadayo ambalaas oo ay la socdaan shaqaalaha gargaarka. Xaaladda caafimaad ee muhaajiriinta qaarkood aad bay u liidataa, sida uu sheegay Alorafi.
Kufra waxay qiyaastii 1,712 kilomitir (1,064 mayl) u jirtaa caasimadda Tripoli.
Liibiya ayaa noqotay marin ay maraan tahriibayaasha ka soo cararaya colaadaha iyo faqriga ee u socda Yurub iyagoo sii mara jidka halista ah ee saxaraha iyo badda Mediterranean-ka ka dib afgambigii Mucamar Al-Qadaafi ee kacdoonka NATO ay taageerayeen 2011kii.