Xulka Germany ee ka qeyb galaya Koobka aduunka oo arrin yaab leh ku dhaqaaqay

Xulka Kubada Cagta Germany ayaa talaabo yaab leh ku dhaqaaqay galabta xili ay ciyaar ka tirsan koobka aduunka la yeelanayeen dhigooda Japan.

Kooxda Germany ayaa ciyaarta ka hor soo bandhgay sawir wadareed iyagoo afka wada heysta iyadoo ay ku jiraan kuwo muslim ah, waxaana loo fasiray talaabadan mid ay kaga jawaabayaan talaabadii ay dowlada Qatar kaga mamnuucday iney xirtaan calaamada midabada badan leh ee astaanta u ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

Qatar ayaa calaamaddan u aragta inay sharci darro ka tahay dalkeeda, waxaana arrintan in muddo ahba ka taagnaa muran xooggan.

Xiriirka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa 7 kooxood oo Yurub ah ugu hanjabtay ganaax isboorti haddii ay calaamadan xirtaan koobka aduunka iyadoo xiriiradu ay ka soo horjeesteen amarkaas, waxaana ciyaartoygii soo xirta loogu hanjabay inuu qaadan doono kaarka cas ee ciyaarta looga baxo.

Hase ahaatee Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Nancy Faeser ayaa Arbacadii sheegtay in go’aanka FIFA uu yahay “khalad weyn”.

“Tani ma ahan mid sax ah, sida xiriirka loo saaray cadaadis,” ayuu yiri Faeser “Kuwani ma ahayn dammaanad qaadyadii aan ka helay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Qatar oo aan horey u kulanay” ayuu intaas raaciyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –