Xulka Croatia oo u gudbay wareega 8 dhamaadka iyo Xulka Japan oo..(Sawirro)

Xulka Croatia ayaa u soo baxay wareega 8 dhamaadka ee koobka aduunka ka dib markii ay ay 3-1 rioorayaal ah kaga badisay Japan.

Waqtiga 90ka daqiiqo ah ee ciyaarta ayaa labada kooxood waxay isla dhaafi waayeen barbar dhac 1-1, iyagoo wax goolal ah kala dhalin waayey 30 daqiiqo oo lagu daray taasoo keentay in lagu kala saaro rigoorayaal.

Goolhayaha Croatia Livakovic ayaa rigoorayaal ka badbaadiyay Ciyaartoyda reer Japan ee kala ah, Takumi Minamino, Kaoru Mitomo iyo Maya Yoshida.

Japan ayaa markii ugu horeysay raadineysay inay gaarto wareega 8-da, balse mar kale hoos ayay u dhacday, si la mid ah 2002, 2010 iyo 2018. Xulka Asia ayaa guuldaro kala kulmay Paraguay rigooreyaal wareegii 16-aad ee 2010-kii.

Croatia, oo sidoo kale gaartay semi-finalka 1998, waxay la ciyaari doontaa midkii soo baxa Brazil ama South Korea oo caawa wada ciyaaraya.

Tan iyo 1998, dhammaan kulamadii bug-baxa ee Croatia ee Koobka Adduunka ama Horyaalnimada Yurub waxay aadeen waqti dheeri ah marka laga reebo finalkii Koobka Adduunka ee 2018 oo ay guuldarro kala kulmeen France.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –