Xildhibaan ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay kusoo wareejiso Meydka askari saakay la toogtay

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay askari katirsanaa ciidanka milatariga oo saakay lagu toogtay Muqdisho ,kaa oo horey u dilay sargaal taliye u ahaa.

Macalimuu oo xildhibaan u ahaa askariga la toogtay ayaa sheegay in aan lagu soo wargalin isaga iyo ehelkiisaba , waxa uuna xusay in ehelada marxuumka uu dilay askarigan goobjoog ahaayeen fagaaraha toogashada, halka dhankooda aan lasoo wargalin.

Waxa uuna xildhibaan Macalimuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay kusoo wareejiyaan askariga la toogtay si ay u aastaan meydkiisa.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaanu weydiisaneynaa meydka wiilkaas la toogtay si aan u aasanno. Waxa aan xaq u laheyn in naloo sheego in la tooganayo si la mid ah sida ay xaadir u ahaayeen qoyska wax loo qisaasayay, mana dhicin. Meesha ay toogashadu ka dhacday ma aheyn caadiyan meelaha dadka dadka lagu toogto oo xero ciidan ayaa la geystay.
Sharciga waa in loo sinnaado. Wiilkaa meydkiisa hadaan heli weyno, waxeey ka dhignaan doontaa ku tagri fal awoodeed iyo dhaqan cusub oo bilowday..”

Maxkamadda ciidamada ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh oo horey dil bareer ah ugu geestay sargaal taliye u ahaa oo lagu magacaabayay Dhame Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye.

– Advertisement –






Previous articleCali Guudlaawe oo booqday goobihii ku burburay qaraxyadii Baladweyne (Sawirro)