XASAASI: Barcelona Oo Qiimo Jaban Loogu Soo Bandhigay Saxiixa Neymar.

Paris Saint-Germain ayaa u soo bandhigtay Barcelona fursad ay dib ugula soo saxiixan karto Neymar 43 milyan oo euro sida ay sheegayaan wararku.

Xiddigii hore ee Barcelona ayaa 222 milyan oo euro ugu biiray Paris 5 sano ka hor waxana uu dhaliyay 100 gool 144 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.

Laakiin xiddiga reer Brazil ayaan wali kooxda reer France kula guulaysan champions League waxana ay kooxda PSG doonaysaa in ay iska iibiso hadii ay dalab fiican hesho.

Neymar ayaa kooxda PSG kula jira heshiis 3 sano ka dhiman yahay waxana ay u muuqataa in ay kooxdu diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga.

Sida laga soo xigtay wargayska Sport, PSG ayaa la xidhiidhay Barcelona una soo bandhigtay fursad ay kula saxiixan karto Neymar isla markaas bixin karto lacag dhan 43.1 milyan euro.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Paris ka dhisan waxana uu diyaar u yahay in uu laabto kooxdiisii hore.