XASAASI: 3 Kooxood Oo premier League Ah Oo Loo Soo Bandhigay Saxiixa Cristiano Ronaldo

Weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay seddexda kooxood ee Premier League ee Chelsea, Arsenal iyo Newcastle United ka hor suuqa kala iibsiga ee bisha January.

Th 37-sano jir ah ayaa wajahaya mustaqbal aan la hubin Old Trafford ka dib markii laga saaray Kooxda 1-aad kadib markii uu diiday in uu badal ku soo galo kulankii Tottenham

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa laga saaray sidoo kale kulankii Man United la ciyaartay chelsea kana tirsanaa horyaalka premier League isaga oo la tababartay kooxda 21 jirada.

Sida laga soo xigtay Wargayska The Sun, Kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Newcastle ayaa loo bandhigay saxiixa xiddiga reer Portugal si ay ula wareegaan marka la gaadho suuqa January.

Blues ayaa si xoogan loola xiriirinayay Ronaldo suuqii xagaaga iyada oo uu Milkiilaah cusub ee chelsea doonayay in uu ka dhigo saxiixiisii ugu weynaa wakhtigiisa chelsea ee bilowga ah.

Isla wargayska ayaa sheegaya in haatan sidoo kale saxiixa xiddiga loo soo bandhigay kooxaha Arsenal iyo Newcastle si ay ugu dhaqaaqaan saxiixiisa suuqa January.