Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray

Waxa la soo afjaray kulamadii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League iyada oo xalay la ciyaaray kulamo xiiso leh.

Kooxaha Ac Milan, PSG, Real Madrid iyo Man City Ayaa dhamaantood guulo gaadhay kulamadii ay ciyaareen ee champions League.

Kooxda chelsea ayaa ah kooxda weyn ee kaligeed kuftay xalay kadib marki ay bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda RB Salzburg kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii xalay.

1.Chelsea ayaa ku fashilantay in ay guul gaadho labada kulan ee ugu horeeya Champions League markii 2-aad ee taariikhdeeda iyo markii ugu horaysay tan ilaa 1999/2000.

2.Erling Haaland ayaa dhaliyay 26 gool 21 kulan oo uu ciyaaray champions League taas oo la macno ah cel-celis ahaan in uu gool dhaliyay 62 daqiiqo oo kasta.

  1. isaga oo jira 22 sano iyo 55 maalin, Erling Haaland ayaa ah xiddigii ugu da’da yaraa ee champions League gool ka dhaliya kooxdiisii hore isaga oo dhaafay Alvaro Morata oo rikoodhkaas dhigay isaga oo dhaliyay 22 sano iyo 194 maalin goolna ka dhaliyay Kooxdiisii hore ee Real Madrid.

4.Jude Bellingham ayaa dhaliyay goolkiisii 4-aad ee champions League waana xiddiga da’yarka ah ee reer England ee sidaas sameeyay, sidoo kale axa uu noqday xiddigii da’yarka ahaa ee reer England ee kulamada ugu badan saftay tartanka isaga oo ciyaaray kulankiisii 18-aad.

5.Raheem Sterling ayaa haatan dhaliyay 250 iyo caawin. tartamada oo dhan heerka kooxaha

  1. Liverpool – 23 goals, 17 assists
  2. Man City – 131 goals, 74 assists
  3. Chelsea – 4 goals, 1 assist

6.Lionel Messi ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda champions League gool ka dhaliya 39 kooxood oo kala duwan waxana uu dhaafay Cristiano Ronaldo oo 38 kooxood gool ka dhaliyay.

7.Luka Modric ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Real Madrid u ciyaara champions League isaga oo 37 jir ah tan ilaa Ferenc Puskás.