Weerar lagu qaaday Suuqa Walmart ee magaalada Chesapeake, USA

Dad ku dhaw 10 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen weerar uu nin hubeysan ku qaaday xarunta laga adeegto ee Walmart oo ku taal magaalada Chesapeake, gobalka Virginia ee dalka Maraykanka.

Ninkan weerarkan geystay ayaa la sheegay inuu horey uga shaqeyn jiray xaruntaasi balse dhawaan shaqada laga eryay. Waxaana la sheegay in inta badan dadka goobtaasi ku dhintay ay yihiin shaqaalihii dukaankaas.

Booliiska ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu kamid yahay dadka goobtaasi ku dhintay iyadoo aan weli faah faahin laga bixin in ay booliiska toogteen ama uu gacantiisa isku dilay.

Horseed Media