“Waxaan Ogaaday in Murtidu ay Tahay Hub la Addeegsan Karo oo Wax na Daawayn Karta Waxna Dumin Karta”

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa sheegay in dhaqan ahaan ay suugaanta Soomaalidu ay la mid tahay Hubka wax gumaadda.

Waxaanu tilmaamay in murtidu ay tahay Hub la addeegsan karro, oo aan kharash kuugu fadhiyin, balse maskaxda ka soo maaxanaysa wax na daawayn karra, wax na dabiibi karta, iyadoo ku xidhan mar ba dhinaca loo addeegsado.

Maxamed Xaaji Aaadan Cilmi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu soo bandhigayay bug la magac baxay HALLEELO, oo uu qoray abwaan Ismaaciil Aw Aadan (Jaajuumow), oo lagu soo bandhigay magaaladda Hargaysa.

Wasiirka ayaa qoraaga buuga ku bogaadiyay sida far-shaxanimadda, iyo murtida leh ee uu buugga u diyaariyay, isla markaana buugiisa ay ku jiraan suugaan kala duwan oo faa’iido, iyo waxtar u leh ummada.

Waxaanu tilmaamay wasiirku in buugga Halleelo ay ku jiraan maansooyinka wax tar, iyo qiimo leh oo ka hadlaya midnimadda iyo wada jirta bulshadda, iyo qiimaha ay leeyihiin dadka bulshadoodda wax anfacaya ku soo kordhiya.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Dadka waxa ugu khayr badan kuwa dadkoodda anfaca. Maansadda abwaanka Ismaaciil Aw Aadan, hadaad akhrido, dhamaanteed ba waa tilmaamo. Ama waxay tilmaamaysaa midnimadda iyo wada jirka ummada, ama waxay tilmaamaysaa dhaqanka wanaagsan.

Mar na waxay tilmaamaysaa hal-abuurka, iyo suugaanta, iyo afkeenna hooyo, horumarintiisa. Maansadiisa mucdeeddu waxay ku fadhidaa, miisaan culus, oo macno leh, oo ay haboon tahay in aynu weelayno.

Aad ayaanan ugu mahad celinayaa ninkaa abwaanka ah ee inoo ururiyay. Ma aha suugaan yahan keliya, balse waa nin xirfadle ama farsamo-yaqaan ah, oo meello badan ka soo shaqeeyay”.

Geesta kale wasiirka Dastuurku wuxuu sheegay in ay abwaanka isku barteen nabadayntii Ceel-Afweyn, isla markaana xalintii arrintaasi uu qayb weyn ka qaatay abwaanku, isla markaana uu halkaa ku xaqiiqsaday in murtidu ay tahay hub la addeegsan karro.

“Waxaan ogaaday in murtidu ay tahay Hub la addeegsan karro, oo aan kharash kuugu fadhiyin, balse maskaxda ka soo maaxanaya. Wax na daawayn karra, wax na dabiibi karra” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka ee JSL.

Dhinaca kale wasiir Maxamed Xaaji Aadan, ayaa isla goobtaasi ka akhriyay maanso uu isna curiyay xiligii uu ka mid ka ahaa ergadii xukuumadda uga wakiilka ahayd xalintii colaad beeleedka ee Ceel-Afweyn.

Maansadaasi oo ku saabsanayd qiimaha ay leedahay nabadu, ayuu wasiirku sheegay in ay ku dhalatay kadib markii uu arkay sida u bulshadda deegaanka Ceel-Afweyn