“Waxa uu Caadaystay Xildhibaan Xeeldheere Hadalo Qadafa oo aanu Madaxweynuhu Ka Gayin”


Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Xirsi Cabdilaahi Xirsi oo ka mida Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Xildhibaan Mubaarig Xeeldheere oo golaha Baarlamaanka ay ka wada tirsan yihiin oo si qaawan u naqdiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xirsi Cabdilaahi Xirsi ayaa waxa uu sheegay in in Xildhibaan Xeeldheere uu caadaystay hadalo qadafa oo aanu Madaxweynuhu ka gayin.

Xirsi Cabdilaahi Xirsi oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa aanu xaal ka bixinaynaa hadalkaa ka soo yeedhay Xildhibaan Xeeldheere oo qadaf ku ahaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,waxaana uu caadaystay Xildhibaan Xeeldheere hadalo aanu Madaxweynuhu ka gayin.waxa laga rabaa Xildhibaanka waxa uu afkiisa ka odhanayo in uu cadayn u hayo waxa uu yidhi Xildhibaan Xeeldheere afar Xildhibaana ayaa qaatay shaqaalaha ka xamaali doona Free Sone,waxaana laga rabaa Xildhibaan Xeedheeere in uu cadaynteedii keeno gudida anshaxa ayaan leeyahay ee gudida Joogtada ee Golaha Wakiilada”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in cadawga Somaliland ka muraaradilaaceen Xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland.Waxaana uu yidhi”Xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Maraykanka maaha mid si fudud ku yimid waa xidhiidh Madaxweynaha Somaliland ka shaqeeyay,waana mid ka xanaajiyay cid kasta Somaliland oo cadaw ku ah in Maraykanka yimaado Somaliland.waanu soo dhaweynaynaa waana arin horumar inoo ah in Maraykanka dhoolatus ka sameeyo Berbera”.






Previous articleCiidanka Qaranku Dalkoodii ayay joogaan kana bixi maayaan”
Next article“Waxaan Ogaaday in Murtidu ay Tahay Hub la Addeegsan Karo oo Wax na Daawayn Karta Waxna Dumin Karta”