Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Shirweynaha Xisbiga Xukuumada Ingiriiska kaga hadlay Qadiyadda Somaliland

Dr Ciise oo la Kulmay Jaaliyadda Birmingham ee Ingiriiska

London-(Dawan):- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga  Dr Ciise Kayd Maxamuud oo socdaal shaqo ku jooga dalka Ingiriiska ayaa ka qayb galay shirwaynaha xisbiga muxaafidka dalka Ingiriiska.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Ciise Kayd oo shireynaha  xisbiga mucaafidka Ingiriiska lagu casuumay,ayaa ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga hadlay qadiyada aqoonsiga Somaliland,hannaanka geeddi socodka dimuquraadiyadda,nabad gelyada iyo guud ahaan xaaladda Mandaqada.

Waxaa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka soo jireenka ah eek a dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Waxaa kale oo qadiyadda aqoonsiga Somaliland ka hadlay wasiirka ammaanka Ingiriiska oo shirka hadal ka jeediyay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise oo lagu casuumay shirweynaha xisbiga muxaafidka ee dalka Ingiriiska oo shalay la soo gebagebeeyey ayaa qudbad uu ka jeediyey  cinwaan looga dhigay Somaliland: Qadiyad Afrikaan oo guulaysatay, wuxuu si ballaadhan uga warramay xaaladda guud ee dalka, horumarka dhinacyada kala duwan laga gaadhay iyo hadafka bulshada Somaliland ee ah helitaanka aqoonsi caalami ah.

Dr Ciise oo fariin ku baahiyey bartiisa Twitter oo kaga hadlay shirka ayaa ku yidhi “Waxaan la wadaagay qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsiga shirka xisbiga muxaafidka ah Ingiriiska ee ka dhacay Birmingham oo qayb ka ahaa dood cilmiyeed loogu magac daray “Somaliland: Qadiyad Afrikaan guulaysatay”

Waxaanu raaciyey “Waxaan kula wadaagay xildhibaano iyo saaxiibo badan sababta ay Somaliland xaq ugu leedahay aayo ka talinta oo ay tahay in la ixtiraamo oo la aqoonsado.”

Doodda qadiyadda Somaliland ayey sidoo kale hadalo ka jeediyeen Wasiirka amniga Ingiriiska Md. Tom Tugendhat iyo xildhibaan Gavin Williamson oo ka mid ah saaxiibada xukuumada Somaliland ee xukuumada Ingiriiska iyo Xubnaha xildhibaanada Ingiriiska.

Shirweynaha Xisbiga Muxaafidka Ingiriiska oo Axadii bilaabmay, shalayna la soo gebagebeeyey ayaa Wasiir Dr Ciise iyo masuuliyiinta Safaarada Somaliland ee Ingiriiska la sheegay inay kulamo gaar gaar ah la yeelanayeen masuuliyiinta kala duwan ee ka soo qeybgalay, isla markaana u heleen fursad ay ugu gudbiyaan qadiyada madaxbannaanida Somaliland iyo aqoonsi caalamiga ah oo caalamka ay ka sugayaan bulshada Somaliland.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Ciise ayaa kulan la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska

Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Ingiriiska Md. Cabdi Cabdilaahi Dayaxweerar, saraakiisha safaaradda, madaxda jaaliyadaha iyo qaar ka tirsan jaaliyada Somaliland ee deggan dalka Ingiriiska ayaa la sheegay inuu daarranaa is xog waraysi xaaladda guud ahaan dadka reer Somaliland ee ku dhaqan waddanka Ingiriiska iyo gaar ahaan jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool magaaladda Birmingham.

Wasiir Dr Ciise oo la sheegay inuu warbixin ka siiyey jaaliyadda xaaladda dalku  marayo ayaa sheegay inay nabadgelyo buuxda ka jirto, ku timi wada shaqeynta ciidamada ammaanka iyo bulshada.