Wasiirada A/Gudaha Germany oo si cad ugu xad gudubtay amarkii dowlada Qatar (Sawirro)

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka oo galabta magaalada Doha ayaa soo xiratay astaanta dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, iyadoo dhinac fadhiday madaxweynaha Fifa, si ay u daawato ciyaartii ugu horreysay ee waddankeeda ee Koobka Adduunka ee ka dhacday Doha.

Nancy Faeser ayaa lagu sawiray iyada oo wadata calaamada OneLove gudaha garoonka Khalifa Stadium, ka dib markii Jarmalku uu go’aansaday in aanu u ogolaan kabtankooda inuu xiro astaantan ka dib markii maamulka kubada cagta uu ugu hanjabay in kooxda ay wajihi doonto ganaaxyo isboorti hadii ay ku dhaqaaqdo talaabadaas.

Dowlada Qatar ayaa ka mamnuucday dalkeeda in lagu xirto calaamadan, iyado sheegtay in qawaaiinta dalkkeeda aysan ogoleyn in loo ololeeyo dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda, waxaana go’aankaas ku raacay FIFA.

Hase ahaatee Faeser ayaa si cad u jebisay amarkaas, iyadoo soo xirtay astaanta midabada leh ee (Onelove) xili au ga fadhiday madaxwaynaha Fifa Gianni Infantino, iyadoo kooxda Germany ay guuldaro 2-1 ah kala kulantay Japan taaso aheyd mid lama filaan ah.

Ciyaartoyda Germany ayaa afka wada daboolay ciyaarta ka hor xili ay sawir wadajir ah galayeen kooxdooda iyagoo tilmamaya in laga hor istaagay xirashada astaanta la mamnuucay.

Dowlada Qatar oo maalmahan wajaheysay weerar dacaayad ah oo kaga imanayey reer galbeedka ayaan weli war ah ka soo saarin talaabada ay amarkooda ku jebisay wasiirada arrimaha gudaha Germany.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –