Waa in Madaxweyne Xasan Sheekh Oggolaado in La Akhristo Buuggiisa Qalin-jebinta

Aflax: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shahaadada PhD la guddoonsiinayo.

Muqdisho (Faallo PP) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa dhowaan la guddoonsiiyay shahaadada PhD kaddib markuu difaacay doodda uu ku soo bandhigay buuggiisa qalin-jebinta ku saabsan siyaasadda qabiillada Soomaaliya. Jaamacadda Nabadda (The University of Peace) ayaa guddoonsiisay Madaxweyne Xasan Sheekh shahaadada. Madaxweyne Xasan wuxuu jaamacadda u sheegay in dadku aysan akhrisan karin buuggiisa ugu yaraan shan sano, muddada uu xilka hayo.

Waa go’aan uu qalin-jebiye kasta xaq u leeyahay. Waa go’aan baalmarsan hufnaanta iyo anshaxa cilmibaarista dhowr sababood awgood: 1- Madaxweyne Xasan wuxuu siyaasadda Soomaaliya u fahamsan yahay mid beelo ay ku loollamayaan. Wuxuu meesha ka saaray in siyaasigu wado siyaasadda. 2- Aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh, ku cad cinwaanka buuggiisa qalin-jebinta, waxay meesha ka saaraysaa gaboodfallada siyaasiyiintu geystaan: eedda beelaha baa qaadaya — kuwa hubeysan iyo kuwa aan hubeysnayn. 3- Madaxweyne Xasan wuxuu buugga ku xusay magacyada beelo Soomaaliyeed sababtoo ah muu u arko gorgortanka garwadeenka siyaasadda (elite bargain) xuddunta xasiloonnidarrada siyaasadeed ee Soomaaliya. 4- Madaxweyne Xasan Sheekh xilka ugu sarreeya qaranka Soomaaliyeed ayuu hayaa. Buuggiisa qalin-jebintu ma noqon karo sida warbixin uu qoray qof sirdoon ah oo ajnabi ah looguna talagalay indhaha madaxda dal Soomaaliya dano ka leh oo kaliya.

Soomaaliya waa dal weli aan ka soo kabanin burburkii dowladnimada 1991kii. Haddii Madaxweyne xilka haya oo beeshiisu sheeganayso lahaanshaha caasimadda uu buug qalin-jebin ka qoro siyaasadda qabiillada Soomaalida, kala aammin-bax raad xun reeba ayaa imanaya. Waa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qaado xanibaadda uu saaray akhrinta iyo xigashada buuggiisa qalin-jebinta oo cinwaankiisu yahay Examining the Challenges of Clan Politics in Statebuilding: A Case Study of Somalia.

© Puntland Post, 2022.