Turkiga oo duqeeyey meel u dhow saldhigga militariga Mareykanka ee Suuriya

Turkiga ayaa duqeeyey gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya gaar ahaan meel ku dhow goob ay sugan yihiin ciidamada Mareykanka.

Duqeymahan cirka ah ayaa qeyb ka ah duullaan cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo ay hoos yimaadaan ku dhawaad 900 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, una xilsaaran ka hortagga kooxda la baxday dowladda Islaamka, ayaa markii ugu horreysay qiratay weerarkan, iyagoo sheegay in xilligaas aysan ku sugneyn saldhigga.

Ilo ku dhow hoggaanka ciidamada SDF ee uu Maraykanku taageero ee Suuriya, ayaa sheegay in saldhiggan uu ka mid yahay dhismo weyn, isla markaana ciidamada Maraykanku ay ku jireen dhismo kale oo aan ka tirsanayn saldhigga laftiisa.

Horseed Media