Tirada dhimashada ayaa korortay kadib shil tareen oo ka dhacay dalka Hindiya

Ugu yaraan 280 qof ayaa ku dhintay, 900oo qof oo kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii tareen uu ka baxay tareenka oo ku dhacay tareen xamuul oo marayey gobolka Odisha ee bariga Hindiya. Shilkan tareen ayaa lagu tilmaamay midkii ugu xumaa ee soo mara dalkaasi.

Saddex tareen ayaa shilkan ku luglahaa. Mid ka mid ah tareenada rakaabka ayey ahayd in uu leexdo laakiin wuxuu ku dhacay tareen xamuul oo taagan. Tareenka labaad ayaa ku dhacay qayb kamid ah tareenkii xamuulka ee kala go’ay, ayuu yiri Amitabh Sharma, oo ah madaxa shirkadda tareenada ee gobolka Hindiya.

Lama oga waxa sababay shilkan, balse waxaa lagu sameyn doonaa baaritaan balaaran, sida ay sheegeen maamulka.

Subaxnimadii hore ee Sabtida, waqtiga Soomaaliya, Sudhanshu Sarangi, oo ah madaxa adeegga samatabbixinta ee Odisha, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in 288 qof la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkaasi.

Raiisel wasaare Narendra Modi ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in uu “ka argagaxay” dhacdada.

“Xilligan murugada leh, waxaan dhibta la qaybsan qoysaska murugaysan,” ayuu qoray.

Shilkan ayaa ka dhacay magaalada Baleshwar abaare 19:00 xilliga dalka Hindiya ee maalinimadii Jimacada, waxaana halkaasi loo diray ilaa 70 gaadiidka gurmadka deg deg ah.

Badbaadada jidka tareenada ayaa soo fiicnaaday Hindiya sannadihii la soo dhaafay ka dib maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda. Si kastaba ha ahaatee, shilalka tareenada ayaa weli ah kuwo caadi ah iyadoo dhowr boqol oo dhacdo la diiwaan geliyey sannad kasta.

Bishii Agoosto 1995, 358 qof ayaa ku dhintay ka dib markii laba tareen ay isku dhaceen meel u dhow New Delhi kaas oo ahaa shilkii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca ilaa maanta.

Horsed Media