Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed oo ku ballamay iskaashi iyo wax wada qabsi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Seoul ayaa la kulmay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in labada Ra’iisul wasaare ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi ku qotoma danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Labada Ra’iisul Wasaare, ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada farsamada gacanta, xirfadaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.

Ra’iisul Wasaaraha Kuuriyada Koonfureed, Han Duck-soo, ayaa dhankiisa ballanqaaday in dalkiisu uu gacan ka siin doono Soomaaliya horumarinta adeegyada muhiimka ah ee dalka, si bulshada Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan.

PUNTLAND POST