Sirdoonka Soomaaliya oo hawgal qorshaysan ku laayay xubno ka tirsan Al-shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay hawlgal qorshaysan ku dishay ugu yaraan 15 dagaallame oo ka tiraan Al-shabaab.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hawgalkan laga fuliyay degaanka Buulo Madiino oo ka tirsan Gobolka Shabeellada  Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in Hawlgalkan oo lala kaashaday saaxiibada Caaalamiga ah sidoo kale lagu burburiyay hub iyo gaadiid ay leeyihiin Al-shabaab.

Dhinaca kale Al-shabaab weli kama hadlin warka ka soo baxay dowladda ee ku saabsan in hawlgal lagu laayay xubno ka tirsan kooxdaas.

PUNTLAND POST