Senegal: 9 qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyo ka dib markii hoggaamiyaha mucaaradka xabsiga la dhigay

Hoggaamiyaa mucaaradka ah ee sida ba’an u dhaliila xukumadda Senegal Mr Ousmane Sonko ayaa lagu waayay eedeymo kufsi ah balse waxaa lagu helay dambi ah “musuqmaasuqida dhalinyarada” Maxkamadeyntiisa ayaa kicisay mudaaharaadyo ay ku dhinteen sagaal qof.

Sagaal qof ayaa lagu dilay mudaaharaadyadii ka dhashay xukunkii lagu riday hoggaamiyaha mucaaradka Senegal Ousmane Sonko, sida ay masuuliyiintu sheegeen goor hore oo Jimcihii ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Antoine Felix Abdoulaye Diome ayaa arrintan ka sheegay telefishinka qaranka, isagoo intaa ku daray in dhimashada ay ka dhacday Dakar iyo Ziguinchor.

Maxkamad ku taal Senegal ayaa khamiistii ku xukuntay laba sano oo xarig ah musharaxii hore eexilka madaxweynaha Mr Ousmane Sonko oo lagu helay “musuq maasuqida dhalinyarada” laakiin waxay ku xukuntay eedeymo kufsi .

Sonko, oo si gaar ah caan uga ah codbixiyayaasha da’da yar, ayaa marar badan sheegay in eedeymaha kufsiga ay yihiin qorshe lagu joojinayo inuu u tartamo madaxtinimada sanadka soo socda. Wuxuu qaadacay dacwadda, balse booliiska ayaa si qasab ah ugu celiyay Dakar Axadii, ka hor xukunka.

Xukunka kadib, taageerayaasha Sonko ayaa isugu soo baxay waddooyinka, waxa ayna dhagxaan ku tuureen ciidamada rabshadaha ka hortaga, waxa ayna dab qabadsiiyeen gawaarida basaska.

Xisbiga Sonko ee PASTEF, ayaa ku andacooday in xukunkan uu qayb ka yahay shirqool siyaasadeed, waxayna soo saareen bayaan ay ku baraarujinayaan muwaadiniinta inay joojiyaan wax kasta oo ay sameynayaan oo ay waddooyinka isugu soo baxaan.

Magaalada Dakar, qiiq madow ayaa lagu arkay xarunta jaamacadda dhexe iyadoo mudaaharaadayaashu ay gubeen basas badan waxayna isku dhaceen booliiska rabshadaha ka hortaga, kuwaas oo ku jawaabay sunta dadka ka ilmeysiisa.

Inkastoo hadda laga dareemayo qalalaaso goos goos ah, afhayeenka dowlada Abdou Karim Fofana ayaa shacabka u xaqiijiyay in ciidamada amaanka ay gacanta ku hayaan xaalada caasimada.

Horseed Media