Salah, Antony, Ronaldo, Martinez, De Jong, Tielemans & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaana haatanba bilaabay in ay xoojiyaan kooxdooda iyaga oo ku jira suuqa si ay u helaan xiddigaha ay doonayaan

Kooxaha reer yurub ayaa ku jira dadaalada ay ku doonayaan in ay ku dhamaystiraan saxiixyada ay doonayaan ee ay aaminsanyihiin ay xoojin doonaan kooxdooda

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo bandhigi doonta wararka suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo kooxdaada.

Tababaraha man United ee Erik Ten Hag ayaa Maamulka Man United u sheegay in ay u dhaqaaqaan xiddiga Ajax ee Anthony si ay ugu badalaan Cristiano Ronaldo (Mirror).

Kooxaha Napoli iyo Chelsea ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo kaas oo diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Man United (Athletic).

Kooxda Man United aya dalab 43 milyan ku kacaya ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Ajax ee Lisandro Martinez (Mail).

Laakiin Ajax ayaa diiday dalabkaas waxana ay doonayaan in ay helaan lacag dhan 50 milyan oo euro (Telegraaf).

Kooxaha Man United iyo Man City ayaa Arsenal kula biiray baacsiga xiddiga Bayern Munich ee Serge Gnabry (Star).

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu wadahadalo kula jirto kooxda Leeds si ay uga helaan saxiixa xiddiga Raphinha isla markaas xiddigu doonayo ku biirista Barcelona (Mail).

Madaxweynaha Barcelona ayaa sidoo kale sheegay in uu wax wax walba u samayn doono sidii uu Man United uga hor istaagi lahaa saxiixa Frankie De Jong (AS).

Mohamed Salah ayaa doonayay in uu ku laabto kooxdiisii hore ee chelsea ka hor intii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda (Sun).

Arsenal ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City ee Youri Tielemans (Star).

Man City ayaa u sheegtay chelsea in saxiixa Nathan Ake uuna noqon doonin mid jaban hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga (Sun).

Xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling ayaa iibinaya Guriga uu ku leeyahay magaalada Manchester si uu ugu biiro Chelsea (Mirror).

Kooxda Barcelona ayaa 172 milyan oo euro ku dhamaystiri doonta saxiixa xiddiga Robert Lewandowski, Bernardo Silva, Raphinha & Jules Kounde (Mail).

Man United ayaa bilowday raadinta xiddigo khadka dhexe ah iyada oo ka cabsi qabta in ay ku fashilmaan saxiixa Frankie De Jong (Exprress).

Kooxda Liverpool ayaa Juventus u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 20 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Roberto Firmino (Mirror).

Barcelona ayaa ogolaatay in ay bixiso lacagta ay Leeds doonayso in ay ku iibiso Raphinha (Star).