Sadio Mane Oo Magacaabay Laba Xiddig Oo Buuxin Kara Booskiisii Liverpool.

Weeraryahankii hore ee kooxda Liverpool Sadio Mane ayaa fariin u diray taageerayaasha kooxdiisii hore.

Mane ayaa shalay si Rasmi ah ugu biiray kooxda Bayern Munich isaga oo qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah.

Xiddiga reer Senegal ayaa 6 sano ku soo qaatay Anfield waxana uu isaga tagay Reds iyada oo hal sano uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda.

Mane ayaa taageerayaasha Liverpool u magacaabay xiddigaha buuxin kara booskiisa xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga reer Senegal ayaa sheegay in Jota iyo Diaz in ay buuxin karaan booskiisa xilli ciyaareedka soo socda.

“Liverpool wali waxa ay haysataa xiddigo fiican oo muhiim ah waxana booskayga buuxin kara xiddigaha Diogo iyo Diaz, kuwaas oo ah xiddigo weyn”.

“Liverpool waa koox weyn waxana ay mar walba heli doontaa xiddigo si adag u shaqeeya waana sababta aan ugu kalsoonahay Diogo iyo Diaz”ayuu sii raaciyay.