Saciid Ciise: “Dalka milkiyadiisa waxaa sharci ahaan iska leh dowladda Somalia”

Dadka isku haysta “Xamar Yaa Iska Leh?” waa kuwii burburiyey magaalo madaxda Soomaaliya, waxaana wanaagsanaan lahayd fikirka maanta jira ee laxaw jacaeyleysigu ku jiro inuu jiri lahaa 1991 markii la burburinayey magaalada, oo sheegashada lahaanshaha magaalada uu noqon lahaa mid badbaadiya hantidii dadweynaha, hayadihii dowladda, dokumentiyadii keydka dowladda, iyo hantidii ay caasimadda ku lahayeen ajnebiga iyo diblomaasiyiinta caalamka.

Hasayeeshee waxaa fiiro gaara u baahan in wax laga ogaado maanta oo ay magaaladu ka soo kabaneyso burburkii ku dhacay 1991, waxa maanta dhaliyey su’aashaas mar hore ku habooneyd in la is weydiiyo ka hor bilowgii burburkii dowladda, waxeyna taas ay ifineysaa in qolooyinkaas isku haysta lahaanshaha magaalada ay mar labaad hamuun u qabaan burbur iyo barakicin iyo dhac loo geysto hantida taala magaalada.

Su’aashaas waxey si meel fog looga arki karo ay tusmo ka bixineysaa su’aalaha soo socda oo ay midaas hore tixraac u noqoneyso; Madaxweynaha yaa iska leh? Raisulwasaaraha yaa iska leh? Gudoomiyeyaasha aqalada baarlamaanka yaa iska leh? Taliyeyaasha ciidanka yaa iska leh? Gudoomiyeyaasha maxkamadaha yaa iska leh? Dekeda iyo Airportka yaa is kale? Iwm? Suaalahaas marka si macquula la isku weydiiyo waxey tilmaantoodu ku wada aroorayaan hal jiho oo iftiimineysa milkiyada lahaanshaha iney iska leedahay dalka dowladiisa.

Dowladnimada Soomaaliya waxaa dhibaato weyn ku haysa qabyaaladda mabda’eedu yahay qabiilka oo dowladnimadii ku dhex milantay, waxaana dhibaatadaas qeyb ka ah doorka ay ku leedahay qaab-dhismaha dowladnimada Soomaaliya oo awoodqeybsiga lagu saleeyey saami-qeybsi beeleed, kaas oo dhiirogelinaya in beelaha qaar ay sheegtaan xilalka dowladda iney iyagu iska leeyihiin, sida beelaha ku nool Puntland oo iska dhaadhacsiisay iney xilka raisulwasaaraha iyaga keliya iska leeyihiin.

Dhulka Soomaalida milkiyadiisa waxaa iska leh oo ka masuula bixintooda iyo sharciyeyntooda dowladda Soomaaliya iyo dowladaha maamul goboleedyada, iyo dowladaha hoose ee degmooyinka oo ay awoodaas u eergeysey dowladda dhexe sida uu qabo sharciga u degsan dalka, waxaana dhul lahaanshihiisa iska leh muwaadin ama shirkad ganacsi oo si shariciya dhulka lahaanshihiisa uga qaadata maamulka dowladda hoose ama dan guud oo madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay adeegyo dadweyne awgeed ugu bixiyaan, sida hayado dowladeed, suuqyo, dugsiyo, garoomo, jidad, isbitaalo, iyo beero dalxiis.

Muqdisho waxaa iska leh cida milkiyada lahaanshaha dhulalka sharci ahaan bixin karta, taas oo ah maamulka dowladda hoose ee Gobolka Banadir oo ay soo magacawdo dowladda Soomaaliya, gaar ahaana lagu soo magacaabo wareegto madaxweyne, taas oo awooda lahaanshaha Muqdisho ka dhigeysa mid hoos timaada madaxtooyada Soomaaliya inta laga helayo doorasho dadweyne, maadaama ay tahay caasimada jamhuriyada iyo xaruunta dowladda dhexe.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa sidoo kale  magacaabaya maamulka magaalo madaxda maamuladooda oo masuul ka ah sharciyeynta lahaanshaha dhulalaka la bixinayo, waxaana tusaale lagu waayoaragnimo qaato dadka ugu filan dhacdadii ka dhacaday magaalada Garowe oo ah magaalo madaxda Puntland markii ay socotey Doorashada madaxweynaha maamulka 2024 oo uu ku guuleystey Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Ayaa siyaasiyiin magaalada is laheysiiyey waxey sameeyeen qas ay ku abuurayeen qalalaaso siyaasadeed oo ka turjumaya iney magaalada iyagu iska leeyihiin qabiil ahaan oo aan la’aantood waxba la sameyn karin, balse ugu dambeystii waxey ku soo dhamaatay Garowe iney tahay xaruunta dowlad goboleedka Puntland oo aysan ahayn tuulo uu hal qabiil iska leeyahay.

Dadaalka ay wadaan madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo raisulwasaaraha Mudane Xamze Cabdi Bare ayaa ku jiheysan sidii ay dalka uga dhaci lahayd doorasho qof iyo cod ah oo ay shacabku ku soo dooran lahayeen madaxda u maamuleysa lahaanshaha dalka, tilaabadaasna waa mida looga bixi karo saami-qeybsiga qabyaladeed ee awooda qeybsiga dowladdu ay ku dhisan tahay, doorashooyinkaas oo degmo walba, maamul walba, iyo dowlad walba ay madaxdooda soo dooranayaan dadweynaha oo lahaanshaha awood walba loogu kala baxayo codka dadweynaha, waxeyna tilaabadaas ay xoojineysaa in laga guuro dowladnimada ku saleysan habka qabiilka qabyaladeysan, loona guuro dowladnimo dimoqaradiya.

Dalka lahaanshihiisa waxaa rasmi ahaan iska leh dadka marka ay dhacdo doorasho dadweyne, waxeyna taas ay suurtogal noqoneysaa marka awooda dowladda dib loogu celiyo codka dadweynaha, oo tirada dadka intiisa badan ay aqlabiyad ahaan codkooda ku siiyaan cida ay u xilsaartaan masuuliyada maamulida masiirkooda, taas oo meesha ka saareysa jagooyinkii beeleysiga lagu qaadanayey, waxeyna taas ay fursad dahabiya u fureysa in xilalka lagu soo xusho aqoon, karti, waayoaragnimo, iyo madaxda la doortay cid kasta oo ay u aragto iney adeega dadweynaha si daacada ugu fulineyso shacabka, waxaana halkaas ku soo xirmaya albaabada ay fureen su’aalaha qabyaaladeysan ee ku soo wada aruuraya “Dalka Yaa Iska Leh?”.


Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
[email protected]

– Advertisement –