RW Ku-xigeenka DF & wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Niamey (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimadda dalka Niger ee Niamey.

Waxaa halkaas uu ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha dalka Niger Mr. Ouhoumoudou Mahamadou iyo xubno ka tirsan dowlada wadankaas

Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ka qayb galaya shirka Midowga Afrika ee warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacaya caasimadda dalka Niger ee Niamey.

Waxaa sidoo kale kulamo la qaadan doonaa madaxda dalalka kasoo qayb galay shirka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jama   ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirkaas, taasoo uu kaga hadlayo xaalada dhaqaalaha ee Somalia iyo horumarka ay DF ka sameysay kobcinta dhaqaalaha dalka.

Shirka oo ay ka qayb galayaan madax kala duwan oo ka socda qaaradda Afrika iyo adduunka ayaa lagaga hadlayaa sidii dalalka Afrika isaga kaashan lahaayeen horumarka dhaqaalaha iyo warshadaha kuwaasi oo ka qayb qaadan doona kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalalka Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleSomalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee dalalka ku bahoobay ururka IORA (Sawirro)