Ruushka oo wada duqeymo aan kala joogsi laheyn iyo Ukraine oo ka qeylisay (Sawirro)

Ukraine ayaa sheegtay in koronto la’aan ay ka jirto magaalooyin badan oo ka tirsan dalkaas kuwaasoo ay ku jiraan qeybo ka mid ah Kyiv, iyo dalka deriska la ah ee Moldova ka dib markii ay soo cusboonaadeen weerarada lagu garaacayo xarumaha korontada.

Gobollo badan ayaa laga soo sheegay weerarro isdaba joog ah, taasoo soo jeedinaysa weerarro ba’an. Gobollo dhowr ah, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in shaqo joojin lagu sameeyay kaabayaasha muhiimka ah. Maamulka magaalada Kyiv ayaa sheegay in saddex qof ay ku dhinteen saddex kalena ay ku dhaawacmeen caasimadda dalkaas ka dib markii uu Ruushku duqaymo ku dhuftay dhismo laba dabaq ah.

Ruushku waxa uu xarkaha korontada iyo xarumaha kaleba ku garaacayay gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn muddo toddobaadyo ah, kuwaasoo u muuqday inuu damacsan yahay inuu hub ahaan u adeegsado qabowga iyo mugdiga xiliga jiilaalka.

Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in “mid ka mid ah xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha la garaacay” waxaana jiray “qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay degmooyinka kala duwan” ee magaalada..

Korontada ayaa ka go’day qeybo ka mid ah Kyiv, waqooyiga magaalada Kharkiv, magaalada galbeedka ku taal ee Lviv iyo koonfurta gobolka Odesa. Moldova, Wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha Andrei Spinu ayaa sheegay in “Waxaan leenahay koronto la’aan weyn oo dalka oo dhan ah” ka dib mid la mid ah oo go’ay Nov. 15.

Duqa magaalada Kharkiv ayaa sheegay in korontadu ay ka maqan tahay magaalada, oo ah tan labaad ee ugu weyn Ukraine, isla markaana dhammaan gaadiidkii dadweynaha ay istaageen. Barasaabka gobolka Lviv Maksym Kozytskyy ayaa ku warbixiyay “laba gantaal ayaa lagu weeraray xarun koronto” oo ku taal gobolka, dhowr degmo oo ka tirsan gobolka ayaa koronto la’aan ah. Guud ahaan gobolka Kyiv ayaa hadda waxaa ka maqan koronto, sida uu sheegay barasaabka Oleksiy Kuleba.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa yimid saacado kadib markii maamulka Ukraine uu sheegay in weerar habeenimo ah uu burburiyay qeybta hooyada iyo dhallaanka ee koonfurta Ukraine, halkaasi oo uu ku dilay ilmo 2-maalmood jira..

Nin u soo lugeeyey kumanaan Km si uy Doha ugu soo daawado koobka aduunka (Sawirro)

Abdallah Al-Salami oo u dhashay Sacuudiga ayaa ka dhabeeyay riyadiisa ahayd inuu daawado ciyaaraha Koobka Adduunka kaddib markii uu ku lugeeyay masaafada u dhaxeysa magaaladiisa Jeddah ilaa iyo magaalada Dooxa ee caasimadda Qadar.

Al-Salami ayaa sheegay inuu wajahay dhibaatooyin badan oo ka qabsaday safarkiia, balse uu dhibaatooyinkaas ku ilaabay ciyaaraha uu daawanayo maadaama uu ka dhabeeyey hadafkiisa.

Carabta ayaa xiiso gaar ah u yeelay Koobka Adduunka kaddib markii Sacuudi Carabiya ay 2-1 ugu badisay dalka Argentina.

Taageerayaal badan oo Carbeed ayaa ka faa’ideysanaya jawiga Qadar ee lagu qabanayo koobka adduunka ee sanadkan iyagoo qaarkood ku yimid gaadiid iyo mootooyin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –