Qarax Miino oo ay Diyaariyeen Dagaalyahanada Al Shabaab oo la fashiliyay (Sawirro)

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa fashiliyay qarax miino oo la doonayay in waxyeelo loogu geesto, waxaana qaraxan la dhigay hareeraha waddo la maro.

Qaraxan ayaa la sheegay in xogtiisa heleen ciidamada dowladda sidaasna ku fashiliyeen, waxaana goobta qaraxa yaalay gaaray ciidamo miino baaris ah oo ku guuleestay in miinada kala fur furaan iyada oon qarxin.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa la galiyay inta u dhaxeysa deegaanka NO-50 iyo muuriga , waxaana wadada qaraxa la galiyay si joogta ah ugu safra ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa uga mahadceliyay shacabka deegaanka sida ay mar walbo ula shaqeeyaan ciidamada una soo gaarsiiyaan xogaha, waxa ayna sheegeen in ciidamada diyaar u yihiin kahor taga dhagarta Al Shabaab.

Qaraxyo miino ayaa si joogta ah uga dhaca deegaano badan oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose, qaraxyadan oo inta badan loo dhigo ciidamada dowladda ayaa mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –