Qarax Goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya (Sawirro)

Waxaa saakay qarax nuuca baabuurta hoosta looga xiro uu ka dhacay laamiga Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka saldhigga degmada Waabari ee ku dhaw isgooska Dabka.

Sida aan wararka ku helnay gaariga ayaa mar qura qarxay xilli uu laamiga socday, waxaana qaraxa kaddib gaariga uu ka baxay laamigii uu ku socday, waxaana qaraxa la sheegay in uu ku dhaawacmay kaliya ruuxii watay gaariga.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lagu soo xiray uu watay nin magaciisa lagu sheegay Axmad Garaar oo ahaa xoghayaha ergayga arrimaha gargaarka iyo bini’aadanimada ee madaxweyne Xasan , Xildhibaan Cabdiraxmana Cabdishakuur.

Qaraxyada baabuurta hoosta looga soo xiro ayaa muddooyinkii dambe ku yaraa magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan inta badan lagu beegsan jiray shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale masuuliyiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleDil saakay ka dhacay Muqdisho iyo ninkii ka dambeeyay oo la qabtay (Sawirro)