Qaramada Midoobay oo ka hadashay sida loo dhaqan-gelinayo qaraarka xabbad-joojinta Qasa

Warbixin ka soo baxday xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, kaddib ansixinta Golaha Ammaanka ee qaraarka xabbad-joojinta Qasa ayaa looga hadlay dhaqan-gelinta qaraarkaasi.

Sida ay sheegtay  Linda Thomas-Greenfield, Ergayga Qaramada Midoobay ee Mareykanka waxay caddeysay in Maraykanku uu Israa’iil ka caawin doono sidii ay u hirgelin lahayd qaraarka, waxayna sheegtay in Masar iyo Qatar ay Xamaas ka caawin doonaan sidii ay dhankooda u dhaqangelin lahaayeen soo jeedintaasi.

Markaa waxay intaa ku dartay; “Sababtoo ah Golaha Ammaanku wuxuu si xad dhaaf ah u meel mariyey arrintan.. hadda waxay u taal dhinacyada inay u hoggaansamaan oo ay fuliyaan.”

Maraykanku wuxuu si cad u sheegay in Israa’iil ay ogolaatay soo jeedintan. Taasi waxay cadaadis badan saaraysaa Israa’iil. Waxayna si cad u tahay guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Maraykanka,maaddama uu markaanna hoggaaminayo inuu istaago dagaalka Qasa.

Tan ayay dunidda kale sameyn kari waayeen, xilligaa oo Mareykanka uu hub siinayay Israa’iil , codka qayaxana ku diiddayay qaraarradii xabbad-joojinta ee la keenay golaha Ammaanka.

PUNTLAND POST