Puntland oo baaraysa in argagixiso ku lug-leedahay iska hor-imaadkii Gaalkacyo

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa shir-gudoomiyey shirka Gudiga Amniga Gobolka Mudug.

Shirkan waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Taliyaha Xabsiga Wayn ee Magaalada Gaalkacyo iyo Saraakiil.

Shirkan oo Kulan Deg-deg ahaa ayaa looga hadlay Shaqaaqo saaka Magaalada Gaalkacyo ku dhex martay laba Beelood oo Walaalo, dhacdadan oo ay keentay isku qabsasho dhul ayaa ugu horayntii Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal oo ku hadlaya Magaciisa iyo kan shacabka Gobolka Mudug ka tacsiyeeyey dhamaan Marxuumiintii ku dhintay dhibaatadaasi isagoona si gaara ugu tacsiyeeyey qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen, allena uga baryey janatul fardowsa sidoo kalena Caafimaad taama waxa urajeeyey inta ku dhaawacantay.

Dhanka kale shirkan oo mudo saacada ah usocday Gudiga ayaa laga soo saaray Go’aano.

1) Waxay Dowladdu la wareegtay Ciidan Dowladdeedna gaysay dhulkii la isku dagaalay maanta sidoo kalena waxaa lakala qaaday Ciidamadii.

2) Waxaa la magacaabay Gudi baaritaan ku sameeya dhacdadii maanta oo ay macquul tahay in ay door ku yeelan karto Argagixisadu kuwaa soo markasta ka shaqeeya Isku-dirka Beelaha iyo samaynta Falalka guracan oo caqabad ku ah Nabada iyo wadajirka Bulshooyinka.

3) Waxaa sidaasi si lamidana waxay Dowladdu la wareegidoonta dhulkasta oo dhacdo noocaasi ah ay ka dhacdo.

PUNTLAND POST