Ninkii toogashada ka geystay gobolka Colorado oo Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Nin lagu tuhunsan yahay inuu fuliyey toogashadii wadareed ee shanta qof ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen 17 kale oo ka dhacay goob lagu caweeyo oo ku taalla gobolka Colorado ee dalka Mareykanka ayaa ka soo muuqday maxkamad la horkeenay isagoo dhaawac qaba.

Anderson Lee Aldrich, oo 22 jir ah, ayaa isbitaalka ku jiray tan iyo markii la xiray subaxnimadii hore ee Axadda ilaa Talaadadii, markaasoo xabsiga loo gudbiyay.

Dhageysiga la-talinta wuxuu ka dhacay isku xirka habka Onlineka ah ee fiidiyowga, iyadoo eedaysanuhu uu katiinadeysan yahay oo xiran dharka xabsiga.

Bilayska ayaa markii hore Aldrich ku haystay eedaymo shan ah oo ah dil darajada koowaad ah iyo dembiyo eex ah oo ka dhashay dilkii habeenkii Sabtida.

Eedeymahaas loogama hadlin dhageysiga kooban, iyadoo qareennada difaacayay ay codsadeen in la siiyo nuqul ka mid ah amarka xiritaanka. Garsooraha Degmadda El Paso Charlotte Ankeny ayaa oggolaatay codsiga iyadoo la raacayo shardiga.

Ninkan ayaa weeraray goob ay ku caweeyaan dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda oo ku taalla gobolka Colorado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –