Mid ka mid ah dalalka Yurub oo sharci daro ka dhigay in la gubo Qur’aanka kariimka

Finland ayaa diiday in meel banaan ah lagu gubo kitaabka quraanka kariimka ah, sida ay qoreen warbaahinta dalkaas. Waxeyna gubitaanka quraanka ku sheegeen inay kasoo horjeedo sharciga dalkaas, laguna muteysan karo ciqaab.

Isbuucii hore ayay aheyd markii nin ka tirsan kooxaha midigta fog oo banaanka safaaradda Turkiga ee Sweden ku gubay kitaabka quraanka kariimka ah, arrintaas oo dhalisay caro xoogan.

Waxay sababtay in dowlada Turkigu ay diido inay ogolaato codsigii ay Sweden uga mid noqon rabtay ururka NATO.

Finland oo Sweden la xareysatay codsiga ka mid noqoshada NATO, ayaa hadda diiday in meel fagaare ah lagu gubo kitaabka quraanka kariimka ah.

Koox soo abaabushay banaanbax lagu gubi lahaa kitaabka quraanka kariimka ah, ayaa waxaa hor istaagay booliska oo ku wargaliyay in sharci aysan aheyn gubitaanka kitaabka quraanka. balse waxey sii wateen banaanbaxooda, iyaga oo aan gubin kitaabadii ay soo qaateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –