Maxay Tahahay Sababta Benzema Ku Seegayo Kulanka Sabtida Ee Gatefa

Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa la filayaa inuu seego kulanka sabtida ee horyaalka La Liga ay la leeyihiin Getafe.

34 jirkaan ayaa maqnaa inta badan bishii September ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii ay Real Madrid 3-0 kaga badisay Celtic tartanka Champions League.

Ka dib muddo gaaban oo uu garoomada ka maqnaa, Benzema ayaa dhawaan ku soo laabtay garoomada isagoo ciyaaray gabi ahaanba kulamadii Osasuna iyo Shakhtar Donetsk.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Marca, xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa lagu wadaa in la nasiyo kulanka sabtida ee ay gurigooda ku wajahayaan deriskooda Madrid ee Getafe ka dib markii uu seegay tababarkii jimcihii.

Shirkii jaraa’id ee ka hor kulanka, Carlo Ancelotti ayaa yiri: “Lama saarin, laakiin waxaa laga yaabaa in la nasiyo, waxaan qiimeyn doonaa subaxnimada Sabtida.”

Ka dib marka ay la ciyaaraanGetafe, Real Madrid waxay u safri doontaa Poland bartamaheeda usbuuca si ay u wajahdo Shakhtar, ka hor inta aysan waji ka waji ku wajihi doonin kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona kulanka El-Clasico isbuuca soo socda.