Maxaa ka jira in Jen. Saadaq John uu la heshiiyey dowlada Soomaaliya? (Sawirro)

Waxaa saacadiihii la soo dhaafay baraha bulshada qabsaday sawiro laga soo qaaday jiidaha dagaalka Galmudug oo muujinaya taliyihii hore ee booliska ee gobolka Banaadir Saadaq John, Taliyaha ciidamada dhulka Jeneraal Biixi iyo wasiirka amniga Galmudug Axmed Fiqi oo gacmaha is heysta.

Saraakiishan qaarkood ayaa bilo ka hor kala hogaaminayey ciidamadii DF iyo kuwii taageerayey mucaaradka diidanaa muddo kororsigii labada sano ahaa ee ay sameysteen madaxda sare ee DF.

“La dirirka argagixisada ayaa na mideeyey markii ay dhacday in siyaasaddu na kala geysay, haddii meel la isku diido macnaheedu ma ahan inaan meelo kale la isku waafiqi karin, Gen. Maxamed Biixi iyo Gen. Saadaq John oo ku ballamay ciribtirka argagixisada, Goobtu waa Bacaadweyn iyo maalinta 2aad ee ciidda” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi oo bartiisa facebook soo dhiga qoraalkan.

Saadaq John ayaa 12-kii bishii April ee sanadkan laga qaaday xilka taliyaha booliska ee gobolka Banaadir, kadib markii uu sheegay inuu joojiyay kulan uu Golaha Shacabka ee Barlamaanka uga doodi lahaa arrimaha doorashada. Waxaa laga xayuubiyay darajadiisa ciidan hase ahaatee hadal badan ayaa ka dhalatay kulanka dhexmaray isaga iyo Jen. Biixi oo ka tirsan saraakiisha sida weyn u taageersan Madaxweyne Farmaajo.

 Taliyaha ciidamada dhulka ee Soomaaliya, Jeneraal Maxamad Tahliil Biixi ayaa kulankaas ka dib sheegay in Saadaq John uu ka mid yahay ciidanka hadda ka dagaallamaya aagga Bacaadweyn.

“Saadaq John saraakiisha aan hoggaaminayo ayuu kamid yahay, saddex madax oo aan u qeybinay ayuu qeyb joogaa [hogaaminayaa], saraakiishaas ayuuna ka mid yahay. Ciidanka Federaalka kama tirsano, balse waa shakhsi dagaalka ku jira.” ayuu yiri taliye Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

– Advertisement –