Maxaa Chelsea Ka Caawin Kara In Ay January La Soo Wareegaan Dusan Vlahovic?

Chelsea ayaa muujisay xiso ay u qabto in ay la soo hishiiyaan weeraryahanka Juventus ee Dusan Vlahovic

Wiilkaas reer Serbia ayaa Juve ayaa u yimid jiilaakkii hore waqtigaas oo lacag sareysay uu kaga wreegay Fiorentina iyado uu saxiixay hishiis dhan 4 sano iyo bar

Dusan waxa uu dhaliyay xilli ciyaareedkaan 9 gool laba caawin ah ka dib 21 kulan oo uu saftay Juve

Dadaalka weeraryahanka kuma filna inuu caawiyo Marwada Duqda ah. Juventus ayaa haatan fadhisa booska 7-aad ee kala saraynta horyaalka Seria A iyagoo badiyay kaliya 3 kulan 8 kulan oo ay ciyaareen.

Sababtaan awgeed, waxaa jira warar xan ah oo sheegaya in Vlahovic uu raadin karo bixitaan waqti hore ah .

Afar kooxood oo ka dhisan Yurub ayaa isku dayi doona inay la soo wareegaan Dusan Vlahovic. Arsenal, PSG, iyo Bayern Munich ayaa soo bandhigay xiisaha ay u qabaan weeraryahanka.

Sida laga soo xigtay Bianconero, Chelsea ayaa dooneysa inay 22 jirkaan keento Stamford Bridge iyaga oo u arka mid inkaarta weerar kooxda ka bad baadin kara