Mareykanka oo diiday in diyaaradaha dagaalka loo diro dalka Ukraine

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Dalkiisa aanay Ukraine siin doonin Diyaaradaha Dagaalka ee Casriga ah ee F-16 si ay uga hortagaan duullaanka xooggan uu Ruushka ku qaaday Dalkaas.

Madaxweyne Joe Biden oo Suxufiyiinta ay weydiiyeen in Dowladdiisa oo Ukraine muddooyinkii u ballanqaadeysay gantaallada difaaca iyo saanad militari in ay qayb ka tahay diyaaradda Nooca dagaalka ee Casriga ah ee F-16 ayaa si cad meesha uga saaray in uu bixinaayo.

Arrintaan ayaa loo arkaa in ay niyadjab xooggan ay ku tahay Dowladda Ukraine oo ku howlan sidii ay u heli lahayd gacan militari si ay u hesho hubka casriga ah, diyaaradaha, Taangiyada ay u baahan yihiin ciidankeeda si ay isaga difaacaan Ruushka.

Jarmalka iyo waddamo kale oo Reer Yurub ah ayaa Ukraine horay ugu diiday in ay siiyaan taangiyada casriga ah, Diyaaradihii ugu dambeeyay ee lasoo saaray & hubka awoodda u leh in uu qabto gantaallada ama burburaya.

Horseed Media