Maraykanka oo ka hadlay duqayn uu la beegsaday Al-shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in kadib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar is-difaac ah ka fuliyeen deegaanka Wayanta ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in weerarka oo ka dhacay meel 60 km koonfur galbeed ka xigta magaalada Kismaayo ay ku dhinteen saddex ka mid ah Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in qiimeynta ay muujineyso in wax shacab ah aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman weerarka.

AFRICOM ayaa sheegay in Soomaaliya ay xuddun u tahay amniga iyo xasilloonida Bariga Afrika, ayna ka caawin doonaan dowladda federaalka Soomaaliya sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab.

PUNTLAND POST