Man United Oo Aaminsan In Uuna Cristiano Ronaldo Ka Tagi Doonin Kooxda Suuqa January, Sabab.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ku qabto in Cristiano Ronaldo uu sii joogi doono kooxda Suuqa January sabab la xidhiidha in uuna xiddigu heli doonin dalabyo lagu doonayo saxiixiisa.

Heshiiska xiddiga reer Portugal ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, sidaas darteed wuxuu xor u yahay inuu la hadlo kooxo ajnabi ah bisha January.

Ilo wareedyo ayaa lagu soo waramayaa in ay u sheegeen ESPN in kooxdu ay aaminsantahay in 37 jirka uu wali sii joogi doono Old Trafford dhamaadka suuqa January sababo la xidhiidha la’aanta kooxo doonaya saxiixiisa.

Sidoo kale Man United ayaan tababare Erik Ten Hag siin doonin lacag uu suuqa ku galo sidaas darteed ma awoodi doono in uu la saxiixdo badalkiisa.

Ronaldo ayaa si xun ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya hal gool u dhaliyay 12 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan isaga oo kaliya ku bilowday hal kulan premier League.