Madaxweyne Xassan Shiikh oo caawa ku hoyanaaya degmo ka tirsan Sh/dhexe (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gelinkii dambe lagu soo dhaweeyay degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.

Madaxweynaha oo kulammo xog-wareysi ah la qaatay bulshada iyo waxgaradka Cadale ayaa xusay rajada shacabka Soomaaliyeed ay maanta qabaan ee la xiriirta in dalka laga xoreeyo Al-shabaab

Cadale ka hor Madaxweynaha oo ay la socdaan Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo masuuliyiin kale ayaa booqday degaanada Masaajid Cali guduud iyo Nuur dugle oo ka tirsan degaanadii dhowaan lagala wareegay Al-shabaab ee gobolka Sh/dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool deegaanadaas ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al shabaab waxaana uu ku dhiirigeliyay inay sii wadaan halgankooda naf-hurnimo inta Soomaaliya oo dhan laga tirtirayo argagixisada sida uu yiri.

Xassan Shiikh iyo wafdiga la socday oo caawa ku hoyanaaya degmada Cadale ayaa la sheegay iney halkaas u tageen dhexdhexaadinta iyo nabadeynta beelo walaalo ah oo mudooyinkan ku dagaalamayey tuulooyin hoos taga degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleFaahfaahin: Labo qarax oo ka dhacay Qudus & Booliska Israel oo ka hadlay (Sawirro)