Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wafdi la socda oo Hobyo u tagay arrin muhiim ah (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo  wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray  degmada dekadda leh ee Hobyo  Gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweyne Qoor Qoor hoggaaminayay  ayaa ka kooban xildhibaannada labada aqal ee BFS lagana soo doorto Galmudug, mudanayaal ka tirsan labada gole ee dowladda Galmudug, ganacsato iyo siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ujeedka safarka madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa ah dhammeystirka dadaallo muddooyinkii dambe uu waday hoggaanka sare ee Galmudug ee ku aaddanaa ballaarinta iyo dib u casriyeynta Dekadda Hobyo.

Galmudug ayaa marar badan sheegtay in dib u dhjis casri ah lagu sameenayo dekadda Hobyo, walina ma jiraan wax muuqda oo ka hirgalay ballanqaadkaasi oo marar badan sameeyeen madaxda maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleIsraa’iil oo shaqaale badan ka qaadaneysa Kenya iyo Mushaarka la siinayo oo la shaaciyay