Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo Kenya ka raalligeliyey hadalkii kasoo yeeray wiilkiisa

Yoweri Museveni Madaxweynaha Uganda ayaa dalka Kenya raalligelin guud ka siiyay haddallo uu Twitteka soo dhigay wiilkiisa Kainerugaba Muhoozi, hadalkaas oo uu si kaftan ah ugu sheegay inuu duullaan muddoo kooban ah ku qabsanayo Kenya.

“Waxaan ka codsanayaa walaalaheen Kenya inay naga cafiyaan qoraallada uu soo diray Jeneraal Muhoozi, taliyihii hore ee ciidamada dhulka ee Uganda, ee ku saabsanaa arrimaha doorashada dalkaas weyn,” ayuu Musevni ku yiri bayaan uu soo saaray.

Hadalka ka soo yeeray wiilkiisa ka sokow, Museveni ayaa u dallacsiiyay General buuxa, kadib markii laga qaaday xilka Taliyaha Ciidanka Dhulka, isagoo sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo wax ku ool ah oo uu sameeyay Muhoozi.

Waxa uu wiilka Museveni, Muhoozi, bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ciidamada dhulka ee dalkiisa ay ku qabsan karaan magaalada Nairobi laba toddobaad gudahood, hadalkaas oo ka caraysiiyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Uganda iyo dad badan oo Kenyan ah.

Wasaaradda arrimaha dibada Uganda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay iskaga fogeysay hadalkaasi.

Kainerugaba Muhoozi ayaa loo arkaa inuu yahay ninka bedeli kara madaxweyne Museveni oo 78 jir ah, oo dalka Uganda xukumayay in ka badan 35 sano.

Horseed Media