Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday degaano laga saaray Al-shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday degaannada Nuur-dugle iyo Masjid Cali Guduud oo ka tiraan Gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana dhowaan laga saaray Al-shabaab.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay  mid lagu dardargaliyo howlgallada ka socda Gobolkaas Shabeellada dhexe, si meesha looga saaro kooxaha Shabaabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadallo u jeediyay Ciidamada ku sugan degaannada uu booqday ayaa ku dhiirri-geliyay dagaalka ay ku jiraan Argagixisada, waxaana uu sheegay in dowladdu garab taagan tahay.

Safarkaas Madaxweynaha waxaa ku wehliya Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaano, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

PUNTLAND POST