Madaxa Shirkadda Apple oo bogaadiyay Muslimad soo saartay app cusub.

Gabar 9 jir Muslimad ah oo ku nool magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa soo jiidatay indhaha maareeyaha shirkadda Apple, Tim Cook kaddib markii ay soo saartay app-ka iOS.

Waxay ku qortay in ka badan 10,000 oo line of code ah app-keeda. Hana Muhammad Rafeeq waxay app-keeda u dirtay Tim Cook oo ah madaxa fulinta Apple. Waxay dooneysay in waalidkeeda iyo dunidaba ay u cadayso inay soo saartay app cajiib ah.

War wanaagsan oo bogaadin iyo hambalyo ah ayayna ku heshay hal-abuurkeeda. Aabaheed Mohammed Rafeeq wuxuu sheegay in gabadhiisa ay wax ka baratay walaasheed ka weyn oo la yiraahdo Leena Fathima madaama ay wada dhigtaan iskuulka.

Gabdhaha walaalaha ah ayaa hadda ku fiican sameynta HTML, CSS, C, C++. Waxayna doonayaan inay aqoontooda ugu tabarucaan xarumaha agoonta lagu daryeelo.

Laakiin Hana ma ahan Muslimaddii koowaad oo soo saarta ama sameysa app dunidu aad ugu baahneyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleSheekh Aadan Madoobe oo Arrimo Muhiim ah kala hadlay Matti Vanhanen uu Telfoon kula xiriiray