Madax kala duwan oo galabta ku lugeysay xaafadaha Degmada Aadan Yabaal (Sawirro)

adaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta booqday fariisimaha Ciidamada XDS iyo Kuwa dib u xureynta deegaanka ay ku leeyihiin degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa socod kusoo maray xaafadaha kala duwan ee Magaalada isagoo mid mid u booqday fariisimaha ciidamada qalabka iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo uu ugamahadceliyay guulaha muhiimka ah ee ay ka gaareen kooxaha khawaarijta ah.

Cali Guudlaawe  ayaa xusay inaan laga hari doonin firxadka kooxda alshabaab ee muddo dhibaateeynayay shacabkaan waxa uuna bulshada ugu baaqay inay u istaagaan ciribtirka kooxda Al Shabaab .

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kormeeray ceel biyoodka degmada Aadan Yabaal oo kooxda Al Shabaab ay ka qaateen qalabkii uu ku shaqeyn lahaa ceelkaas oo dib u habeyn lagu sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –