Maatida haloo Tudho” Siyaasi Nadiifo Maxamed Culujoog

Laascaanood (Dawan): Agaasimaha guriga madaxtooyadda ee magaaladda Laascaanood Marwo Nadiifo Maxamed ayaa ugu baaqay Garraadda ku shiraya Laascaanood in ay ka taliyaan masiirka, nabadgelyada iyo ammaanka ummada Sool .

Waxaanay ku talisay in bulshadda Sool ay ogaadaan qiimaha ay nabad-geliyadu leeyahay, isla markaana ay baro-kicin ku hayaan dad danno gaar ah huwan oo aan wanaagoodda ka talinaynin.

Marwo Nadiifo Maxamed ayaa ugu baaqday shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh ee doonaya in ay qixiyaan bulshadda Laascaanood in ay u tudhaan dadka maatida ah iyo hooyooyinka la dhibaataynayo.

Waxaanay tidhi, “Waxaan idiin sheegayaa, nabad baa naas la nuugo leh, oo nabad baa macaan. Hooyooyinka dhibaatadda lagu hayo, ee la qixinayo, ee dadka danaha gaar ka huwani ay wadaan, ee aan masiirka hooyooyinka ka talinaynin, waxaan leeyahay hooyooyinka ha loo tudho. Waxaanan leeyahay maatidda ha loo tudho”.

Geesta kale agaasimaha guriga madaxtooyadda Laascaanood waxay tilmaantay in aanay wax b aka jirin dacaayadaha la faafiyay ee lagu sheegay in Somaliland ciidankeedu uu ka soo qaxay Sool.

Waxaanay tidhi, “Waxaan leeyahay, Ishii bugtaay, ku bikaacso. Waxaa la leeyahay Somaliland way ka qaxday Sool, waxaan leeyahay, maanaan qixin, ee waa taa aad aragtaan. Dacaayadda (propaganda) ayuun baa la nagaga dheereeyay, anagu na (xukuumadda Somaliland) dacaadyadda ma naqaano, ee warkayagu wuu cad yahay.

Dhinaca kale waxay sheegtay in madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland uu mar kasta ka shaqaynayo nabad-geliyadda, iyo horumarka bulshadda gobolka Sool.

“Madaxweynaha Somaliland nabad ayuu ku taliyay, aayaha iyo mustaqbal guul ah ayuu doonayaa. Masiirka iyo qaranimadda Somaliland ayuu madaxweyne u yahay, min daraf, ilaa daraf. Waxaanan leeyahay, waa la doogiye, yaan la dacaroon”ayay tidhi agaasimaha guriga madaxtooyadda Laascaanood.