Maamule Dukaan caan ah oo fuliyay Toogasho dad badan lagu dilay iyo Baaris socota

Toogasho dad badan lagu dilay ayaa ka dhacday gudaha dukaanka caanka ah ee Walmart farac uu ku leeyahay magaalada Chesapeake, ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaana toogashadan kasoo baxaya warar kala duwan.

Toogashada ayaa warar soo baxaya sheegayaan in uu fuliyay maamulihii dukaanka Walmarta qeybtiisa Chesapeake, waxa uuna ninkan rasaas xooggan aan loo meel dayin ku furay dadkii dukaanka ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay toban qof ayaa toogashadan ku geeriyootay halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen , waxaana isla goobta isna isku toogtay maamulihii halkaasi ku laayay dadkii ku sugnaa dukaanka.

“boolisku waxay xaqiijinayaan dhacdo dhimasho sababtay oo ka dhacday dukaanka Walmart”. Weli faahfaahin dheeraad ah kama aysan soo bixinin, balse sarkaal ka tirsan booliiska oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in dad aan ka badneyn 10 qof lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay’ ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka magaalada.

Booliiska magaalada toogashada ka dhacday ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan toogashadan, waxaana dad badan isweediinayaan waxa ku kalifay maamulaha dukaanka sababta uu toogashadaasi u fuliyay iskuna dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –