Lisandro Martínez Oo Heegan Buuxa Galiyay Man United & Arsenal, Muxuu Sameeyay?

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Lisandro Martínez ayaa heegan buuxa galiyay kooxaha Arsenal iyo Man United kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Saxafiga Fabrizio Romano Ayaa sheegay in uu Lisandro Martínez u sheegay kooxda Ajax in uu doonayo in ku biiro premier League kana ciyaaro horyaalka xilli ciyaareedka dambe.

Lisandro Martínez ayaa u sheegay Ajax in uu kaliya doonayo u dhaqaaqista horyaalka Premier League isla markaas uuna doonayn in uu sii joogo kooxda Ajax.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in uu xiddiga Lisandro Martínez kala dooran doono midkood kooxaha Arsenal Iyo Man United midkooda uu kaga biirayo premier League.

Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa ku kalsoon in uu Mikel Arteta ku garaaci doono saxiixa xiddiga maadama uu xidhiidh fiican la leeyahay xiddiga.

Man United iyo Ajax ayaa dalabyo ka gudbiyay xiddiga Lisandro Martínez laakiin ilaa haatan Ajax ayaan aqbalin dalabyadaas iyaga oo doonaya qiimo ka badan inta ay diyaarka la yihiin.