Liiska Xiddigaha Uu Erik Ten Hag Ka Iibinayo Man United Oo La Shaaciyay.

Tababaraha cusub ee Manchester United Erik ten Hag ayaa doonaya inuu dib u habeyn ku sameeyo kooxda xagaagan.

Red Devils ayaa ku dhibtooneysa inay dhameystirto heshiisyada suuqa kala iibsiga, iyagoo baacsanaya Frenkie de Jong iyo Christian Eriksen.

Sida laga soo xigtay Mirror, United ayaa diyaar u ah inay iska iibiso ilaa shan daafac xagaagan.

Ten Hag waxa uu rabaa in uu keeno daafac dhexe iyo waliba xiddig garab ka ciyaara isaga oo diyaar u ah in uu lacag u uruuriyo saxiixyada kale.

Xiddigaha Eric Bailly, Phil Jones, Axel Tuanzebe, Aaron Wan-Bissaka iyo Brandon Williams ayaa dhamaantood ku jira xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay iibiso xagaaga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhamaan xiddigaha kor ku xusan loo sheegay in ay isaga tagi karaan kooxda hadii ay dalabyo yimaadaan.