Laporta Oo Sheegay In Frenkie de Jong uusan iib ahayn – 3 Macno Oo Uu Leeyahay Hadalka Madaxweynaha Bacelona.

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa ka Nixiyay Man United isaga oo sheegay in uuna xiddiga Frenkie de Jong iib ahayn suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin Hadalka Madaxweynaha Barcelona ayaa yeelan kara macno kale marka la eego sida xiddiga loola xidhiidhinayo kooxda Man United.

Man United ayaa muddo 2 bilood ah lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong iyada oo ay kooxdu diyaar u tahay in ay ka dhigto saxiixyadeeda.

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa doonaya in uu Frenkie de Jong Ka dhigto saxiixiisa uu horeya ee kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagaaga.

Hadaba halkan Hoose Kaga bogo 3-da macno ee qarsoon ee uu yeelan karo hadalka Madaxweynaha Barcelona.

1.Barcelona Oo Qirtay In Ayna Qasab ku iibin karin xiddiga: Ilaa haatan Frankie De Jong ayaan ogolaan in uu ka tago kooxda waxana laga yaabaa in ay arintaas ku qancisay Barcelona in ay sii haysato xiddiga laakiin ku qanciso in uu hoos u dhigo mushaharkiisa.

2.Barcelona Oo Dareensan in ayna la soo saxiixan karin Bernardo Silva: Xavi ayaa doonaya in uu De Jong ku badalo xiddiga Bernardo Silva laakiin Man City ayaa diidan in ay xiddiga 27 jirka ah ku iibiso lacag yar iyaa oo doonaya in ay ku iibiyaan 100 milyan taas oo ah lacag aad u badan oo ayna Barcelona diyaar u ahayn.

3.Laporta oo isku dayaya in uu lacag badan kaga helo Man United: Waxa laga yaabaa in uu Madaxweynaha Barcelona adeegsanayo qorshe  uu Man United kaga doonayo in ay lacag badan bixiso.